Posts

Maku mahdisaa halka aad nolosha ka joogto?

Image
Qiimaynta safarkaaga nolosha, casharada aad baratay iyo xirfadaha aad kasbatay ayaa ku dareen siin kara inaad ka miro dhaliso Nolosha- marka aan wajahno waqtiyada adag waxaan dareenaa niyad jab mararka qaarkood mar aynan helin ujeedoyinka aan leenahay waxaan noqo kuwo daciifa waxaana laga yaabaa in qofku is dhiibo.. Qiimee safarkaaga fiiri halka aad ka bilowday inta caqabadood ee aad ka gudubtay iyo intii aad uso adkeysatay taasi waxay ku siineysaa awood aad ku adkeysato iyo dhiirinaan aad kusii wado socdaalka noloshaada... Fiid Wanaagsan AJ

WAA MAXAY SABAR

Image
 SABAR  -Hadii ay maanta kaa jajabantahay bariba waa maalinkaaga  Hal Mid ogow aduunka ayaan maalin walbo farxad iyo dhamaystirnaan ayaan rabaa hadad dhahdo sida aduunka allah u uumay ayaad ka hor imaayasaa waayo meshan adunka ma ahan mesha dhamaystiraanta ee waa daarul imtixaan  -Hadii aad rabto in aad hesho farxad joogto ah meel kale kama helaysid aan xuska allah ka ahayn. Aj 

SIYASADU MUUFO MAAHAN

Image
Siyaasaddu godob ayey leedahay. Waa in koox aad la jirto, kooxna aad kasoo hor-jeedo oo mowqifkaaga la yaqaan. Siyaasaddu ma lahan munaafaqeyn iyo meel dhexo oo la isku qariyo. Qof kasta oo isku daya inuu meel dhexo ku noolaado isaga ayey la gadoontaa. Waa sidaa, qof aan meel uu jiro la aqoon qof la aamini karo maahan , waqti lagu ma dhumiyo , maxaa yeelay intaad dagaal qaadaan ayuu dhabarka kaa tooganaa. Marka waa in aad markasta mowqifkaagu cadyahay dadka kugu wareegsan ay yaqaan meesha ka timid iyo meesha aad u socoto. Waxaa dhaxleysaa in aad noqoto hogaamiye lagu soo hirto oo hela aqlabiyada bulshada uu matalo ama uu rabo in uu hogaamiye

ANSIXINTA DASTUURKA

Image
 Waxaan u hambalyeenaya Xildhibaanada labada aqal oo cod aqlabiya ku ansixiaya 4 cutub ee ugu horeeys Dastuurka Dalka waxaan rajeena marka ay soo laabta 11 hartay in ay naga gabangaabeyn doonaa insha allah  Dal ka waxaa uu yeelan doona 3 xisbi waxaa meesha ka bixi doona hanaankii aan cadaalada ku fadhin ee xal ahaa loogu soo caanamaalay ee 4.5  Waxaa meeesha ka baxay in la isku qabqabsado awoowda maamulka dalka ee labada xafiis waxaan la qaatay madaxweyne awoow leh oo soo magacaabaya rw uu shaqada ka joojin karo  Waxaa mewsha ka baxay magacyadii tira beelka ahaa ee lagu yeeri jiray madaxda maamulada oo ahaa madaxweyn maamulka waxaan la qaatay hogaamiyha Maamulka  Koley maanta waxaa cagta saarnay wadadii hormarka mudo ku dhaw 15 sano oo aan heysanay dastuur qabyo ah oo qofkii carooda meesha uu rabo u jiito. Madaxweyne Hassan sheikha wax uu ka dhabewyn rabaa ereygiisa ahaa QABYO NINKEEDA DHAMEYATIA waxaan u rajeena wax dhiman oo ay ugu horeeyso xoreynta dalka iyo in la aado doorasho qof

Guushu waxay leeday aabayaal badan

Image
  Guushu waa maxay? Guushu waa himilo iyo hiigsi aad leedahay oo aad gaarto, mana aha mid ku timaada xaglo laaban, sahal, fikir gaabni, hami yari iyo samir yaraan toona. Guusha waxa go’aamiya hanka, hiigsiga iyo humaagyada mustaqbaleed ee qofku meel dhigtay, markaas waxay ka dhigantahay, nin waxa guul u ah ayaa mid kale u ah bilawga hayaanka guuleed ee uu hiigsanayo. Guushu waa helida dhamaan waxaad ka doonayso nolosha amase fulinta qorshihii aad hore u dajisatay, islamar ahaantaana guushu waa adoo kaca aroortii adoo dareemaya farxad oon aan dareemayn cidhiidhi iyo diiqad. Wax kabaro Astaamaha Guusha 1. Dajinta hami iyo hiigsi Isbadal jogto ah : dhaman dadka raba inay nolosha ka sameeyan Guul waxay naftooda ku qanciyaan inuu isbadal waajib yahay, waxay hoos iyo korba dadka uu codkoodu gaaro ugu sheegan in isbadal loo bahan yahay, waxaa mararka qaar dhacda in lagu arko qof qaldan balse waa wax noolasha ku caadiya, Nabi Muxamed (CSW), ayaa tusale fiican kuugu ah, iyo dhamaan dadka noolas

" Rabi ku kalsoonoow

Image
 Mid kamida sababaha aan uxaqiijin la 'nahay hadafyadeena . " Rabi kuma kalsoonin " Tusaale : maanta hadaad qof howlkar ah shaqo udirsato shaqadaas asiga ayaat uga war sugeysaa waliba adigoo 99%  aaminsan in uu kasoo baxayo shaqadaas Maxaat markaat rabi arin weydiisato aat hadana meela kale ama dad kale arinkii uga raadisaa subxaanalaah Maxaat rabi markaat arin weydiiso ugu mashquushaa sababaha oo at udhahdaa masaan bey noqon mise saan yacni aadan udareemwynin kalsooni buuxdo Hadaan rabi ku kalsoonahay anagoo og in aysan dhaceynin wax uusan qorin maxaan ugu murgooneynaa aduunyada Maxaanu ugu dulownay risqigii uu asigu noo Balan qaaday  subxaanalaah Ruuxii allah Tala saarto rabi asiga ayaa kufilan وَمَنْ يَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُ )  Hadaad rabto in rabi kujeclaado rabi Tala saaro "  فَإِذَا عَزَمْتَ فَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُتَوَكِّلِينَ " AJ ✍️

 IS HORTAAGGA DASTUURKA

Image
 IS HORTAAGGA WAX KA BEDDELKA DASTUURKU, WAA IS HORTAAGGA HORUMARKA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYEED Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen in aan dastuurka la dhamaystiri karin inta ay maqan yihiin Puntland iyo Somaliland.  Puntland iyo Somaliland ma maqna ee wakiilladii matalayay labada aqal ee baarlamaanka ayay dhex fadhiyaan oo ka shaqaynayaan; sidoo kale waxay ka mid yihiin golaha xukuumadda ee lagu jaangooyo siyaasadda qaranka. Mudane Shariif iyo Mudane Farmaajo waxay la hadlayaan mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isla markaasna waxay xaqirayaan oo iska indhatirayaan in xildhibaannada iyo senatarradu ay matalaan shacabka iyo dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed. Marka hore labada Madaxweyne waxaan kula talinayaa, waa xildhibaannee, in afkaartooda iyo aragtidooda ay baarlamaanka geeyaan. Midda kale, siyaasadi waa matalaad, madaxda dowlad-goboleedyaduna iyaga ayaa shacabkeenna u soo dooray wakiillada siyaasad